CODKA MUQDISHO

Guri | Dhambaal | Warar | Faahfaahin | Madadaalo | Aragti | News

Madaxweynihi Ugu Horeeye ee Soomaaliya
presidentadenabdulleosman.jpg
Aaden Cabdule Cismaan

 Saraakiishii Ciidamada Soomaaliya ee ku shiray Washington oo ka jawaabay hadalkii uu dhawaan BBC-da siiyay Jen. Maxamed Nuur Galaal
 
Isniin, Agoossto 17, 2009 (Muqdisho Weyn): Wareysigii uu Gen. Maxamed Nuur Galaal siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBCda, oo uu kaga faaloonayay shirkii la xiriiray arrimaha Amniga oo Saraakiisha Ciidamada hore ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada Washington, DC, taariikhdu markay ahayd Agoosto 10, 2009 ayaa ku noqday fajiciso iyo amakaab  runta ka fog.

Waxaa ugu horeynta xusid mudan, in ujeeddada Wasaaradaa Gaashaandhigga D.K.M. iyo Xafiiska Qaramaha Midooway u qaabilsan Soomaaliya ay u abaabuleen shirkan uu ahaa iney Saraaakiisha CQS ay talo ka bixiyaan sidii xasilooni iyo nabad looga soo dabaali lahaa dalka, siiba Koonfurta Soomaaliyeed oo 20kii sano ee lasoo dhaafay xasilooni daro ka jirtay.

Saraakiishu waxay is waydiinayaan, Gen. Galaal markee buu runta sheegay? Ma markuu joogay madasha shirka kana mid ahaa xubin firfircoon oo saaxiibadii la wadaagay xog- iswaydaarsiga, talada iyo goa’aanadaba, mise markuu BBCda ka hadlayey?

Saraakiisha waxay nasiib darro wayn ay u arkaan in Gen. Galaal qof-ahaantiisa uu isburinayo maadaama uu canbaaraynayo talooyinkii iyo go’aanadii uu wax ka go’aamiyay.

Dadweynaha Soomaaliyeed, si ay xog-ogaal buuxa ugu noqdaan, waxaan u sheeegeynaa qodobbada soo socda:

Saraakiisha lagu martiqaaday shirka waxay ka kala yimaadeen Qurbaha iyo dalka Gudahiisa. Qaabka lagu soo xulay ka-qeybgalayaasha waxa ay ahayd: Iney yihiin Sareeyayaal, ama ay hayeen xilalka sida: Madax Hogaan ee Taliska Guud, Taliye Qeyb, iyo Taliye Noocyada Ciidamada. Saraakiisha shirka yimid waxey kulligood ahaayeen kuwa aqoon iyo qibrad u leh hogaaminta iyo howlgelinta Ciidamada, tababarista iyo taakuleynta Ciidanka. Nasiib-darro, saraakiil ka mid ah kuwa lagu martiqaaday shirka wey kasoo qeyb geliwaayeen “VIISA” la’aan iyo shaqo awgeed.

Cabashada uu Gen. Galaal kasoo jeediyay inuu wax war uusan u heyn waxa shirka looga hadlayay waa mid aan waxba ka jirin, maadaama warqaddii martiqaadka uu Wakiilka Qaramaha Midoobay, Danjire Axmadou Oulad Cabdalla u diray ka-qeybgalayaasha shirka ay si cad ugu xusneyd in  looga hadli doono Arrimaha Amniga. Isla warqadaas, waxaa qof waliba looga codsanayay inuu soo xaqiijiyo oggolaashaha martiqaadka iyo kasoo qeybgalkiisaba si kharajka nooliga loogu diro halka uu joogo. Sidaas darteed, Gen. Galaal wuu ogaa mowduuca shirka, waxeyna u ekeyd haddii uu su’aalo cadeysi ah uu qabo inuu weydiiyo cidda isagaas martiqaaday intuusan weli oggolaan martiqaadka loo fidiyay. Waxaa kaaloo xusid mudan, in Gen. Galaal uu joogay Nairoobi oo ah xarunta Xafiiska Qaramaha Midoobay ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo martiqaadka fidiyay.

Malo-awaalka Gen. Galaal ee ku aadan inuu shirqool iyo dibindaabyo uu la kulmay, waa mid aan sal iyo baar laheyn oon marnaba micno samayn karin, sababaha soo socda awgeed:

Gen. Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Wasiirka Gaashandhigga Dowladda KMG Prof. Gaandi u xilsaaray iney ka wabixinta Xaaladda Amniga oo Soomaaliya ku sugan tahay. Sidaas darteed Gen. Galaal wuxuu ahaa qofka waqtiga ugu badan madasha shirka ka hadlay, maadaama uu ahaa shaqsiga muddada ugu dheeer joogay dalka gudahiisa siiba Xilligii Dagaaalada Ahliga, Xilligii Mooryaanimada iyo kii Talisyadii Dagaal-Ogayaashaba (Warlords-Era).

Inta shirka uu socday, Gen. Galaal wuxuu madax ka ahaa mid ka mid ah afartii guddii oo ka-qeybgalayaasha shirka loo qeybiyay si ay usoo lafa-guraan ajendaha shirka. Wuxuuna fadhiga gaarka ah iyo fadhiyada loo wada-dhan-yahayba, kasoo jediyay warbixinta Guddigiisa, wuxuuna aragtidiisa shaqsiga ah haddii ay noqon laheyd su’aal, faaloo iyo taloo ku kordhinba usoo bandhigay Guddiyada kale.

Sidoo kale, Gen. Galaal wuxuu goob joog ka ahaa shirka loo-wada-dhan yahay oo lagu ansixiyay Baaqii Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida ay usoo jeediyeen Dawladda, Caalamka iyo Dadweynaha Soomaaliyeedba.

Waxaa nasiib darro ah in Gen. Galaal, uu si ula-kac-ah u garab maray runta iyo waaqicinimadaba, maxaa yeelay, waa waxba kama jiraan ah arrinta uu ku tilmaamay in la qorsheynayo “Weerar laga soo qaaadayo Lowyacadde ilaa Xuduudda Kiinya oo la rabo in lagu xasuuqo dadweynaha.” Fekerkaasi wuxuu si cad u qilaafsan yahay Baaqii Saraakiisha CQS ay ka soo saareen shirka kaddib kaasoo si cad u tilmaamayay  Xaaldda Soomaaliya, siiba Gobollada Koonfureed oo haatan dabka ka holcayo aan xallinteed “marnaba loo adeegsan karin qori caaradii, balse loo baahan yahay in qilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, tanasulaad iyo is-afgarad”. Sidaas darteed, saraakiisha si cad ayay u cambaareyneynaa fekerka gurracan ee Gen Galaal saxaafadda u adeegsaday oo aan is leenahay wuxuu doonayaa inuu ku lab-kiciyo dadka Reer Soomaliland iyo Puntland oo nabadda ku nool.  

Dhaliilalaha uu Gen. Galaal kasoo jeediyay qaab-dhismeedka ciidamada waa mid aan waxba ka jiraan, wixii talooyin ahaana sida isaguba ka warqabo, waxaa loo gudbiyay Wasiirka Gaashandhigga DKG. Hirgelinta talooyinkaasi waxey ku xiran tahay rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed iyo taakuleynta Beesha Caalanka. Saraakiisha C.Q.S. waxey diyaar u yihiin iney ka qeyb-qaataan waajibka kaga aadana qadiyadda dalkooda Soomaaliyeed.

Arrimaha  la xiriiray dumistii Qaranka iyo Ciidankii XDS oo ajendaha ka mid ahaa, si buuxda oo xamaasad leh ayaa arrintaas looga dooday, waxaana ugu dambeynta leysku raacay layskuna af-gartay in aan dib loo eegin wixii dhacay loona daayo taariikhda, haddase loo baahan yahay in daruusteeda wax laga barto loona jiheysto mustaqbalka iyo sidii dalkeena loo badbaadin lahaa.

Waxaa la yaab leh inuu Gen. Galaal uu ku xadgudbay sharafta sarkaalnimada isagoo eedo iyo cambaareen oo aan sal iyo raadba aan laheynuu uu u geysanayo ka-qeybgalayaashii shirka. Waxaan nahay saraakiil aaminsan Ku-dhaqanka Sharciga (Rule of Law), waxaana diidanahay “Ku-tiri-kuteenta.” Sidaas darted, waxaan danuubtii dalka laga galay u deyneynaa Hey’adaha Garsoorka (Judicial Systems) iyo Hogaanka Siyaasadeed marka Qaaranimada Dalka ay si buuxa usoo noqoto. Waxaana anagoo ku kalsoon hab-dhaqanka Maxmadda (legal procedures) ka sugeynaa Xeer-Ilaalinta  arrintaasi qaabilsan inay soo hordhigi doonto Maxkadda marag-muujin cad, Maxkamaduna ay gaaari doonto Garsoor cadaalad ku dhisan.
Waxaanse xusuusineynaa Gen. Galaal in inta Dowladnimadu jirtay, saraakiishii madasha shirka joogtay ay ahaayeen saraakiil caadi ah oo gudanayay xilkooda dastuuriga ee ku aadan Badbaadinta Qaranimada Soomaaliyeed. Gen. Galaalse wuxuu Xilligii Dowladda Qaranka jirtay  uu ka hayay dalka mas’uuliyad siyaasadeed oo sare sida: Wasiirka Howlaha Guud, Wasiir-ku-xigeen Gaashaandhigga, Xubin Golaha dhexe ee Xisbiga, Xubin Golaha Shacbiga iyo Madaxa Guddiga Joogtada ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, sidaas darted, haa u diyaar garoobo mas’uuliyadda kaga aadan haddii ay noqon laheyd ficil- toosa-ah iyo mid-dadbanba (Action or omission).
 

Waxaan mar kale ugu baaqeynaa umaddda Soomaaliyeed iney dareenkooda ku jiheeyaan siddii dalkeena loogu soo dabaali lahaa Xasilooni iyo Nabad loona soo celin lahaa karaamada iyo sharafta Umadda Soomaaliyeed oo haatan dhulka taalo lagana waantoobo kutiri kutaynta iyo been abuurka.

Soomaaliya Ha-Noolaato
Sareeye Guuto Maxamed Saalax Axmed
Xiriiriyaha Shirka Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida

Jeneraal Galaal oo Kasoo Horjeestay Shirkii Saraakiisa Ciidamada Qalabka-sida Soomaaliyed ee Washington D.C.

Maxamed Xuseen Shiino (BBC S00maali)

 

 

Neyroobi, 13-09-2009 (Muqdisho Gazette) - Wareysi uu Jeneraal Galaal siiyay Laanta Afka Soomaaliga 11dii Agoosto waxaa uu muujiyey sida uusan ula dhacsaneen dib u dhiska Ciidanka Qalabka-sida ee Soomaaliyeed.
General Maxamed Nuur Galaal Jeneraal Galaal waxaa kaloo uu gefay ka-qeybgaloyaashii Shirka Washington isagoo ku-sheegay adoon (Fadlan, ka dhegeyso Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da: www.bbc.co.uk/somali/news/story/2009/08/090811_galaal.shtml).
 
Gunaadkii, Jeneraal Galaal waxaa uu u muuqday nin ubaaqayo dad gaar ah si aysan Soomaaliya dib u istaagin.
 
Xigasho Laanta Af Soomaaliga ee BBC

Gudoomiye Ku-xigeenka 1aa ee Baarlamanka Soomaaliya oo Wado Olole ka Dhan ah Danjiraha Soomaaliya ee Keenya
 
Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxmed Cumar Dalxa ayaa beryahan u ololeynayo in Danjiraha Soomaaliya ee Keenya Mudane Maxmed Cali Ameerika laga qaado xilkiisa. Sababta: Danjire Maxamed Cali Ameerika waxaa uu ahaa qofka keliya ee la socdo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed markii uu la kulmayey Wasiirada Arimaha Dibadda ee Mareykanka Marwo Hilary Clinton.
 
Dad badan ee indha-indheeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa la yaabay ololoha Mudane Dalxa maadama uusanba aheyn Madaxweynaha Soomaaliya.
 
Xigasho ilo lagu kalsoon yahay ee fadhigooda yahay Neyroobi, Keenya
 
Xaashowareedka Muqdisho 2006 
 
Wararka ka imaanyaa Neyroobi waxey sheegayaan in Gudoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane Maxmed Cumar Dalxa oo weli sii wado eedeymo ka dhan ah Danjire Maxmed Cali Ameerika ee uu fadhigiisa yahay Neyroobi, Keenya.
 
Mudane Dalxa waxaa uu ku doodayaaweli ku adkeysanayaa in qalad aheyd in uusan la kulmin Wasiirada Arimaha Dibadda ee Mareykanka.

Photos: AP
 Xoghayaha Dowladda Mareykanka Marwo Hillary Clinton iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed


 

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton ayaa maanta Kullan ku yeeshay Magaaladda Nairobi, labadan Mas’uul ayaa ka wada hadalay xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya sidii loo xoojin lahaa.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxay labada dhinac isku weydaarsadeen fikrado kala duwan, waxaana Madaxweyne Shariif u gudbiyay warbixin ku saabsan Xaalada dalka iyo baahida ay Dowladda u qabto sidii ay taageero ballaaran u heli laheyd.

Shir Jaraa'id oo ay si wada jir u qabteen Kulanka kadib ayaa waxaa ku horeysay Hillary Clinton Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka, waxaana ay cadeysay inay taageerayaan Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif.


Hillary Clinton ayaa cadeeysay in Maamulka cusub ee dalka Mareekanka ee uu Hogaamiyo madaxwayne Barack Obama ay taageero hiil iyo hool ah la garab taagantahay dowladda Somalia.

“Aniga iyo Madaxwayne Obama waan sii balaarin doonaa taageerida Dowladda Somalia”. Ayay tiri Hillary Clinton iyadoo intaasi ku dartay “Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal ee ugubka ah, ujeedadeena waxay tahay inaan gacan ka geysano duruufo keena xasilooni, dalala deriska ay joojiyaan fara gelinta ay ku hayaan Soomaaliya".

Hillary Clinton ayaa inta badan hadalkeeda u badisay in ay kaga hadasho ururka Al-shabaab oo ay ku tilmaamtay in ay doonayaan in ay Somalia ay noqoto meel ay gabaad ka dhigtaan waxa ay ku tilmaamtay Argagixisada Caalamiga ah. Clinton ayaa Al-shabaab ku tilmaamtay in ay yihiin koox Argagixiso oo Firkado shisheeye fulinaya.


*Faragalin aan la akh bali Karin*

Hillary Clinton ayaa dalka Eritrea ku eedeeysay in ay faragalin aan loo dulqaadin Karin ku heeysa dalka Somalia. Cilinton ayaa dowladda Eritrea ku tilmaamtay in ay hubeeynayso Kooxaha Islaamiyiinta ee Somalia iyadoo ugu hanjabtay Eritrea haddii aysan joojin Faragalinta ay ku heyso Somalia in talaabo cad laga qaadi doono.

Intaasi kadib Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda Eritrea inay joojiso dhibaateynta ay ku heyso Soomaaliya hadii ay wax qabtana ay miiska hadalka timaado.


“Dowladda Eritrea wali waxay heesataa fursad ay khaladaadkii ay gashay ay isaga sixi karto”, ayuu yiri Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed.

Kulanka labada dhinac oo ahaa mid inta badan diirada lagu saarayay Soomaaliya iyo sidii dowladda Somalia ay dalka oga xoreen laheed kooxaha lagu tilmaamay in ay yihiin Islaam diidnaka.

Hillary Clinton ayaa sidoo kale ka dhawaajisay inay laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan AMISOM, iyadoona cadeysay in 150-milyan oo doolar ay ku bixiyaan AMISOM sidii ay u caawimi lahaayeen Dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa ah kii u horeeyay ee noociisa Madaxweyne Soomaaliyed uu la qaato Mas'uul sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka tan iyo markii ay dhacday Dowladdii hore.


Anigoo ka mid ahaa wariyaashii Kullanka lagu casumay ayaan Madaxwayne Shariif oo markii uu Shirka Jaraa’id Dhamaaday gacan qaaday Hillary Clinton aan wax ka waydiiyay sida dadka Somaliyeed ay u arki garaan in uu gacan qaado Haweeney aan Islaam aheyn isagoo Madaxwayne Shariif iigu jawaab “Ibraahim Su’aashaadu waa raqiis”, iyadoo wax hadal ah uusan intaas ku darin.

Ugu dambeyntiina, Kulankaas oo ahaa mid horay loo sii shaaciyay waxaa dhinaca Dowladda Soomaaliya ku weyliyay Madaxweyne Shiikh Shariif Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo xubno kale, halka Dowladda Mareykankana ay Hillary Clinton ku wehlinayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaanno, Safiirro iyo Diblumaasiyiin kale.





 


Hilary Clinton oo Maanta u Socdaaleyso Afrika

 

Washington
Hillary Clinton
Hillary Clinton
, 03 Agoosto 2009 (Mogadisho Gazette) - Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa Isniinta maanta ah waxa u bilaabanaya socdaal ay ku marayso todoba dal oo Afrika ku yaal, iyada oo lafilayo in ay Nairobi kula kulanto madaxwayne Shariif Sheekh Axmed.

Xoghaye Clinton ayaa lagu wadaa in ay dawladda itaalka daran ee Sheekh Shariif Sh. Axmed ugu yabaahdo kaalmo dheeraad ah oo ay ku jirto mid millatari.  Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan maamulka madaxwayne Obama ayaa warbaahinta u sheegay in Washington ay damacsan tahay inay laba jibaarto sahay hub ah oo gaaraysa 40-tan, taasoo ay Muqdisho gaarsiisay bishii June ee la soo dhaafay.

Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in Maryakanku tababar aan la shaacin u fidiyo ciidamada ammaanka ee Dawaladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.  Wararka ayaa sheegaya in Maraykanku uunana si toos ah u tababari doonin ciidankas, balse uu bixin doono kharashka iyo tas-hiilaadka kale ee aan looga maarmi karin tababarka.  Maraykanka ayaa iska ilaalinaya in humaagiisa laga dhex arko Soomaaliya, taas oo uga sii dari karta xasaradda taagan.

Xoghaye Clinton ayaa marka ay maalinta Khamiista ah la kulanto madaxwayne Shariif, in ay markale u xaqiijiso taageerada Maraykanku u hao dowladda Soomaaliya.  Sidoo kalena waxa la filayaa in ay soo cusboonaysiiso cambaaraynta ka dhanka ah dalka Eritrea oo la rumaysan yahay inuu hubeeyo kooxaha ka soo horjeeda Dawladda Federaalka Ku-meel-gaark ah ee Soomaaliya.

Our Company
Any Street
Anytown, US 01234

Phone: (800) 555-1212

Fax: (800) 555-1212

info@service.com