CODKA MUQDISHO

Guri | Dhambaal | Warar | Faahfaahin | Madadaalo | Aragti | News

  Awr Dabar La'aan Dhacay ... Waxaa Cunay Dugaagii

30kii Janaayo gugan 2009 waxaa  Dalka Jabuuti lagu doortay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Maalmo kadib waxaa uu Madaxweyne Shariif soo magacaabay Madaxa Golaha Wasiirada, kaasoo noqday Mudane Cumar Cabdirashiid Cali.

Soomaaliya 2009 waxaa ay yeelatay Madaxweyne Cusub, Ra'isulwasaare Cusub, iyo Xildhibaano Cusub oo tiradooda tahay 275 xubnood. Marka hadaba leysku daro Xildhibaanada Cusub  (275) iyo kuwii hore oo ahaa 275 xubnood, waxaa uu Baarlamanka Soomaaliya ka koobnaanayaa tiro dhan 550 xubnood; taasoo lagu sa-leeyey Habka 4.5.

Si kastaba ha noqoto, hawlaha Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke horyiilay waxaa ugu ho-reeyey inuu dhiso Gole Wasiiro oo isla markaas ku saleysan Habka 4.5. Ha yeeshee, taasi waxaa faraha la g-alay Mudaneyaasha Cabdiraxmaan Ibi iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyagoo ka wakiil ah Madaxweyne Sh-ariif Sheekh Axmed. Maxey hadaba soo kordhisay faragelinta ay sameeyeen Mudane Cabdiraxmaan Ibi iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan? Waxba, waxna ama xabadna. Maxaa yeelay, Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid waxaa uu fursad u yeeshay magacaabida 15 wasiir oo keliya. Inta kale ee ka hartay Golaha Wasiirada waxaa qoray Mudaneyaasha kala ah: Cabdiraxmaan Ibi iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa marka meesha ka baxday Habkii 4.5. Waxaa intaasi sii dheer in Mudane Cabdiraxmaan Ibi  Jabuuti ka yiraahdo:"Ka waran, waxaan sidaa Liiskii Golaha Wasiirada, kaasoo uusan ku jirin hal wasiir oo kasoo jeedo Beesha Madaxweyne Shariif."

Waxaa la weydiye Mudane Ibi sida uu ku ogolaanayo taasi Madaxweyne Shariif. Warcelinta Mudane Ibi waxaa ay aheyd in Madaxweyne Shariif ogolaanayo Liiska Golaha Wasiirada  ee la qoray.

Dhabtii, wararki Mudane Cabdiraxmaan Ibi uu ka yiri Jabuuti waa soo baxeen. Ha yeeshee, maanta, maxey Mudanayaasha Cabdiraxmaan Ibi  iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan  u qaban karaa Madaxweyne Shariif She-ekh Axmed kol hadii ay Xoogaga kasoo horjeedo sida Alshabaab iyo Xisbul Islaam ay 2 kiiloo meter usoo jir-aan Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia)?  Muxuu hada Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka qaban karaa Xoogaga kasoo horjeedo (Alshabaab, Xisbul Islaam, iwm) kol hadii laga fogeeyey isna iska fogeeyey Bulshoweynta Degto Muqdisho?  Warcelinta weydiimaha waxey ku jiraan heestii 'Awr Dabar La'aan Dhacay... Waxaa Cunay Dugaagi.' Sidaasi awgeed, dhuuxa heesta soo socoto:

Dhulka waad ka duushoo

Damac baa ku qaaday

Dabeyshaa ku sidato

 

Wa (a)digan dawaafayoo hooy

Daruuraha cuskaneyee

Dayaxoodan gaareen

Hindisaha ku darayee

Awr dabar la'aan dhacay

Hooy hooy war hooy

Waxaa cunay dugaagi

Dib ufiirso ii hii

Ha deg-degeni daydayoo

Danta lagama boodee

 

Wa (a)digan isdooxayoo

Midi daab ka haaysto

Bada kula degeysee

Debin baad is-gelisoo hooy

Duni kuu maciintiyo

Dabaalaad taqaaniyo

Wiishkuna ku daayacay

 

Awr dabar la'aan dhacay

Hooy hooy war hooy

Waxaa cunay dugaagi

Dib ufiirso ii hii

Ha deg-degena daydayoo

Danta lagama boodee

 

W.Q. Abdulkadir Abukar Spinato

London, 13-07-2009

aa_spinato@hotmail.com

 
 

Enter content here

Entwer supporting content here