Awr Dabar La'aan Dhacay ... Waxaa Cunay Dugaagii
30kii Janaayo gugan 2009 waxaa Dalka Jabuuti lagu doortay Madaxweyne Shariif
Sheekh Axmed. Maalmo kadib waxaa uu Madaxweyne Shariif soo magacaabay Madaxa Golaha Wasiirada, kaasoo noqday Mudane Cumar
Cabdirashiid Cali.
Soomaaliya 2009 waxaa ay yeelatay Madaxweyne Cusub, Ra'isulwasaare Cusub, iyo
Xildhibaano Cusub oo tiradooda tahay 275 xubnood. Marka hadaba leysku daro Xildhibaanada Cusub (275) iyo kuwii hore
oo ahaa 275 xubnood, waxaa uu Baarlamanka Soomaaliya ka koobnaanayaa tiro dhan 550 xubnood; taasoo lagu sa-leeyey Habka 4.5.
Si kastaba ha noqoto, hawlaha Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
horyiilay waxaa ugu ho-reeyey inuu dhiso Gole Wasiiro oo isla markaas ku saleysan Habka 4.5. Ha yeeshee, taasi waxaa faraha
la g-alay Mudaneyaasha Cabdiraxmaan Ibi iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyagoo ka wakiil ah Madaxweyne Sh-ariif Sheekh Axmed.
Maxey hadaba soo kordhisay faragelinta ay sameeyeen Mudane Cabdiraxmaan Ibi iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan? Waxba,
waxna ama xabadna. Maxaa yeelay, Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid waxaa uu fursad u yeeshay magacaabida 15 wasiir oo keliya.
Inta kale ee ka hartay Golaha Wasiirada waxaa qoray Mudaneyaasha kala ah: Cabdiraxmaan Ibi iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaa marka meesha ka baxday Habkii 4.5. Waxaa intaasi sii dheer in Mudane Cabdiraxmaan Ibi Jabuuti ka yiraahdo:"Ka
waran, waxaan sidaa Liiskii Golaha Wasiirada, kaasoo uusan ku jirin hal wasiir oo kasoo jeedo Beesha Madaxweyne Shariif."
Waxaa la weydiye Mudane Ibi sida uu ku ogolaanayo taasi Madaxweyne Shariif. Warcelinta
Mudane Ibi waxaa ay aheyd in Madaxweyne Shariif ogolaanayo Liiska Golaha Wasiirada ee la qoray.
Dhabtii, wararki Mudane Cabdiraxmaan Ibi uu ka yiri Jabuuti waa soo baxeen. Ha
yeeshee, maanta, maxey Mudanayaasha Cabdiraxmaan Ibi iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan u qaban karaa Madaxweyne
Shariif She-ekh Axmed kol hadii ay Xoogaga kasoo horjeedo sida Alshabaab iyo Xisbul Islaam ay 2 kiiloo meter usoo jir-aan
Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia)? Muxuu hada Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka qaban karaa Xoogaga
kasoo horjeedo (Alshabaab, Xisbul Islaam, iwm) kol hadii laga fogeeyey isna iska fogeeyey Bulshoweynta Degto Muqdisho?
Warcelinta weydiimaha waxey ku jiraan heestii 'Awr Dabar La'aan Dhacay... Waxaa Cunay Dugaagi.' Sidaasi awgeed, dhuuxa heesta
soo socoto:
Dhulka waad ka duushoo
Damac baa ku qaaday
Dabeyshaa ku sidato
Wa (a)digan dawaafayoo hooy
Daruuraha cuskaneyee
Dayaxoodan gaareen
Hindisaha ku darayee
Awr dabar la'aan dhacay
Hooy hooy war hooy
Waxaa cunay dugaagi
Dib ufiirso ii hii
Ha deg-degeni daydayoo
Danta lagama boodee
Wa (a)digan isdooxayoo
Midi daab ka haaysto
Bada kula degeysee
Debin baad is-gelisoo hooy
Duni kuu maciintiyo
Dabaalaad taqaaniyo
Wiishkuna ku daayacay
Awr dabar la'aan dhacay
Hooy hooy war hooy
Waxaa cunay dugaagi
Dib ufiirso ii hii
Ha deg-degena daydayoo
Danta lagama boodee
W.Q. Abdulkadir Abukar Spinato
London, 13-07-2009
aa_spinato@hotmail.com