Madaxweynihi Ugu Horeeye ee Soomaaliya |
|
Aaden Cabdule Cismaan |
Saraakiishii Ciidamada Soomaaliya ee ku shiray Washington oo ka jawaabay hadalkii uu dhawaan BBC-da siiyay Jen. Maxamed
Nuur Galaal
Isniin, Agoossto 17, 2009 (Muqdisho Weyn): Wareysigii
uu Gen. Maxamed Nuur Galaal siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBCda, oo uu kaga faaloonayay shirkii la xiriiray arrimaha Amniga
oo Saraakiisha Ciidamada hore ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada Washington, DC, taariikhdu markay ahayd Agoosto 10, 2009
ayaa ku noqday fajiciso iyo amakaab runta ka fog.
Waxaa ugu horeynta xusid mudan, in ujeeddada Wasaaradaa Gaashaandhigga
D.K.M. iyo Xafiiska Qaramaha Midooway u qaabilsan Soomaaliya ay u abaabuleen shirkan uu ahaa iney Saraaakiisha CQS ay talo
ka bixiyaan sidii xasilooni iyo nabad looga soo dabaali lahaa dalka, siiba Koonfurta Soomaaliyeed oo 20kii sano ee lasoo dhaafay
xasilooni daro ka jirtay.
Saraakiishu waxay is waydiinayaan, Gen. Galaal markee buu runta sheegay? Ma markuu joogay
madasha shirka kana mid ahaa xubin firfircoon oo saaxiibadii la wadaagay xog- iswaydaarsiga, talada iyo goa’aanadaba,
mise markuu BBCda ka hadlayey?
Saraakiisha waxay nasiib darro wayn ay u arkaan in Gen. Galaal qof-ahaantiisa uu isburinayo
maadaama uu canbaaraynayo talooyinkii iyo go’aanadii uu wax ka go’aamiyay.
Dadweynaha Soomaaliyeed, si
ay xog-ogaal buuxa ugu noqdaan, waxaan u sheeegeynaa qodobbada soo socda:
Saraakiisha lagu martiqaaday shirka waxay
ka kala yimaadeen Qurbaha iyo dalka Gudahiisa. Qaabka lagu soo xulay ka-qeybgalayaasha waxa ay ahayd: Iney yihiin Sareeyayaal,
ama ay hayeen xilalka sida: Madax Hogaan ee Taliska Guud, Taliye Qeyb, iyo Taliye Noocyada Ciidamada. Saraakiisha shirka yimid
waxey kulligood ahaayeen kuwa aqoon iyo qibrad u leh hogaaminta iyo howlgelinta Ciidamada, tababarista iyo taakuleynta Ciidanka.
Nasiib-darro, saraakiil ka mid ah kuwa lagu martiqaaday shirka wey kasoo qeyb geliwaayeen “VIISA” la’aan
iyo shaqo awgeed.
Cabashada uu Gen. Galaal kasoo jeediyay inuu wax war uusan u heyn waxa shirka looga hadlayay waa
mid aan waxba ka jirin, maadaama warqaddii martiqaadka uu Wakiilka Qaramaha Midoobay, Danjire Axmadou Oulad Cabdalla u diray
ka-qeybgalayaasha shirka ay si cad ugu xusneyd in looga hadli doono Arrimaha Amniga. Isla warqadaas, waxaa qof waliba
looga codsanayay inuu soo xaqiijiyo oggolaashaha martiqaadka iyo kasoo qeybgalkiisaba si kharajka nooliga loogu diro halka
uu joogo. Sidaas darteed, Gen. Galaal wuu ogaa mowduuca shirka, waxeyna u ekeyd haddii uu su’aalo cadeysi ah uu qabo
inuu weydiiyo cidda isagaas martiqaaday intuusan weli oggolaan martiqaadka loo fidiyay. Waxaa kaaloo xusid mudan, in Gen.
Galaal uu joogay Nairoobi oo ah xarunta Xafiiska Qaramaha Midoobay ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo martiqaadka fidiyay.
Malo-awaalka Gen. Galaal ee ku aadan inuu shirqool iyo dibindaabyo uu la kulmay, waa mid aan sal iyo baar laheyn oon
marnaba micno samayn karin, sababaha soo socda awgeed:
Gen. Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Wasiirka Gaashandhigga
Dowladda KMG Prof. Gaandi u xilsaaray iney ka wabixinta Xaaladda Amniga oo Soomaaliya ku sugan tahay. Sidaas darteed Gen.
Galaal wuxuu ahaa qofka waqtiga ugu badan madasha shirka ka hadlay, maadaama uu ahaa shaqsiga muddada ugu dheeer joogay dalka
gudahiisa siiba Xilligii Dagaaalada Ahliga, Xilligii Mooryaanimada iyo kii Talisyadii Dagaal-Ogayaashaba (Warlords-Era).
Inta
shirka uu socday, Gen. Galaal wuxuu madax ka ahaa mid ka mid ah afartii guddii oo ka-qeybgalayaasha shirka loo qeybiyay si
ay usoo lafa-guraan ajendaha shirka. Wuxuuna fadhiga gaarka ah iyo fadhiyada loo wada-dhan-yahayba, kasoo jediyay warbixinta
Guddigiisa, wuxuuna aragtidiisa shaqsiga ah haddii ay noqon laheyd su’aal, faaloo iyo taloo ku kordhinba usoo bandhigay
Guddiyada kale.
Sidoo kale, Gen. Galaal wuxuu goob joog ka ahaa shirka loo-wada-dhan yahay oo lagu ansixiyay Baaqii
Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida ay usoo jeediyeen Dawladda, Caalamka iyo Dadweynaha Soomaaliyeedba.
Waxaa nasiib
darro ah in Gen. Galaal, uu si ula-kac-ah u garab maray runta iyo waaqicinimadaba, maxaa yeelay, waa waxba kama jiraan ah
arrinta uu ku tilmaamay in la qorsheynayo “Weerar laga soo qaaadayo Lowyacadde ilaa Xuduudda Kiinya oo la rabo in lagu
xasuuqo dadweynaha.” Fekerkaasi wuxuu si cad u qilaafsan yahay Baaqii Saraakiisha CQS ay ka soo saareen shirka kaddib
kaasoo si cad u tilmaamayay Xaaldda Soomaaliya, siiba Gobollada Koonfureed oo haatan dabka ka holcayo aan xallinteed
“marnaba loo adeegsan karin qori caaradii, balse loo baahan yahay in qilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, tanasulaad
iyo is-afgarad”. Sidaas darteed, saraakiisha si cad ayay u cambaareyneynaa fekerka gurracan ee Gen Galaal saxaafadda
u adeegsaday oo aan is leenahay wuxuu doonayaa inuu ku lab-kiciyo dadka Reer Soomaliland iyo Puntland oo nabadda ku nool.
Dhaliilalaha uu Gen. Galaal kasoo jeediyay qaab-dhismeedka ciidamada waa mid aan waxba ka jiraan, wixii talooyin
ahaana sida isaguba ka warqabo, waxaa loo gudbiyay Wasiirka Gaashandhigga DKG. Hirgelinta talooyinkaasi waxey ku xiran tahay
rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed iyo taakuleynta Beesha Caalanka. Saraakiisha C.Q.S. waxey diyaar u yihiin iney ka qeyb-qaataan
waajibka kaga aadana qadiyadda dalkooda Soomaaliyeed.
Arrimaha la xiriiray dumistii Qaranka iyo Ciidankii XDS
oo ajendaha ka mid ahaa, si buuxda oo xamaasad leh ayaa arrintaas looga dooday, waxaana ugu dambeynta leysku raacay layskuna
af-gartay in aan dib loo eegin wixii dhacay loona daayo taariikhda, haddase loo baahan yahay in daruusteeda wax laga barto
loona jiheysto mustaqbalka iyo sidii dalkeena loo badbaadin lahaa.
Waxaa la yaab leh inuu Gen. Galaal uu ku xadgudbay
sharafta sarkaalnimada isagoo eedo iyo cambaareen oo aan sal iyo raadba aan laheynuu uu u geysanayo ka-qeybgalayaashii shirka.
Waxaan nahay saraakiil aaminsan Ku-dhaqanka Sharciga (Rule of Law), waxaana diidanahay “Ku-tiri-kuteenta.” Sidaas
darted, waxaan danuubtii dalka laga galay u deyneynaa Hey’adaha Garsoorka (Judicial Systems) iyo Hogaanka Siyaasadeed
marka Qaaranimada Dalka ay si buuxa usoo noqoto. Waxaana anagoo ku kalsoon hab-dhaqanka Maxmadda (legal procedures) ka sugeynaa
Xeer-Ilaalinta arrintaasi qaabilsan inay soo hordhigi doonto Maxkadda marag-muujin cad, Maxkamaduna ay gaaari doonto
Garsoor cadaalad ku dhisan. Waxaanse xusuusineynaa Gen. Galaal in inta Dowladnimadu jirtay, saraakiishii madasha shirka
joogtay ay ahaayeen saraakiil caadi ah oo gudanayay xilkooda dastuuriga ee ku aadan Badbaadinta Qaranimada Soomaaliyeed. Gen.
Galaalse wuxuu Xilligii Dowladda Qaranka jirtay uu ka hayay dalka mas’uuliyad siyaasadeed oo sare sida: Wasiirka
Howlaha Guud, Wasiir-ku-xigeen Gaashaandhigga, Xubin Golaha dhexe ee Xisbiga, Xubin Golaha Shacbiga iyo Madaxa Guddiga Joogtada
ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, sidaas darted, haa u diyaar garoobo mas’uuliyadda kaga aadan haddii
ay noqon laheyd ficil- toosa-ah iyo mid-dadbanba (Action or omission).
Waxaan mar kale ugu baaqeynaa umaddda
Soomaaliyeed iney dareenkooda ku jiheeyaan siddii dalkeena loogu soo dabaali lahaa Xasilooni iyo Nabad loona soo celin lahaa
karaamada iyo sharafta Umadda Soomaaliyeed oo haatan dhulka taalo lagana waantoobo kutiri kutaynta iyo been abuurka.
Soomaaliya
Ha-Noolaato Sareeye Guuto Maxamed Saalax Axmed Xiriiriyaha Shirka Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida
Jeneraal Galaal oo Kasoo Horjeestay Shirkii Saraakiisa Ciidamada Qalabka-sida Soomaaliyed ee
Washington D.C.

Maxamed Xuseen Shiino (BBC S00maali)
|
 |
|
Neyroobi, 13-09-2009 (Muqdisho Gazette) - Wareysi uu Jeneraal Galaal siiyay Laanta Afka Soomaaliga
11dii Agoosto waxaa uu muujiyey sida uusan ula dhacsaneen dib u dhiska Ciidanka Qalabka-sida ee Soomaaliyeed.
Jeneraal Galaal waxaa kaloo uu gefay ka-qeybgaloyaashii Shirka Washington isagoo ku-sheegay adoon (Fadlan,
ka dhegeyso Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da: www.bbc.co.uk/somali/news/story/2009/08/090811_galaal.shtml).
Gunaadkii, Jeneraal Galaal waxaa uu u muuqday nin ubaaqayo dad gaar ah si aysan Soomaaliya dib u istaagin.
Xigasho Laanta Af Soomaaliga ee BBC
Gudoomiye Ku-xigeenka 1aa ee Baarlamanka Soomaaliya oo Wado Olole ka Dhan ah Danjiraha Soomaaliya
ee Keenya
Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxmed Cumar Dalxa ayaa beryahan
u ololeynayo in Danjiraha Soomaaliya ee Keenya Mudane Maxmed Cali Ameerika laga qaado xilkiisa. Sababta: Danjire Maxamed
Cali Ameerika waxaa uu ahaa qofka keliya ee la socdo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed markii uu la kulmayey Wasiirada Arimaha
Dibadda ee Mareykanka Marwo Hilary Clinton.
Dad badan ee indha-indheeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa la yaabay ololoha Mudane Dalxa maadama uusanba
aheyn Madaxweynaha Soomaaliya.
Xigasho ilo lagu kalsoon yahay ee fadhigooda yahay Neyroobi, Keenya
Xaashowareedka Muqdisho 2006
Wararka ka imaanyaa Neyroobi waxey sheegayaan in Gudoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane Maxmed Cumar
Dalxa oo weli sii wado eedeymo ka dhan ah Danjire Maxmed Cali Ameerika ee uu fadhigiisa yahay Neyroobi, Keenya.
Mudane Dalxa waxaa uu ku doodayaaweli ku adkeysanayaa in qalad aheyd in uusan la kulmin Wasiirada
Arimaha Dibadda ee Mareykanka.
|
Photos: AP Xoghayaha Dowladda Mareykanka Marwo Hillary Clinton iyo Madaxweynaha Soomaaliya
Mudane Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka
Hillary Clinton ayaa maanta Kullan ku yeeshay Magaaladda Nairobi, labadan Mas’uul ayaa ka wada hadalay xaalada dalka
Soomaaliya iyo sidii xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya sidii loo xoojin lahaa.
Kulanka oo ahaa mid
albaabada u xirnaa ayaa waxay labada dhinac isku weydaarsadeen fikrado kala duwan, waxaana Madaxweyne Shariif u gudbiyay warbixin
ku saabsan Xaalada dalka iyo baahida ay Dowladda u qabto sidii ay taageero ballaaran u heli laheyd.
Shir Jaraa'id oo
ay si wada jir u qabteen Kulanka kadib ayaa waxaa ku horeysay Hillary Clinton Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka, waxaana
ay cadeysay inay taageerayaan Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Hillary Clinton ayaa cadeeysay in Maamulka cusub ee dalka Mareekanka ee uu Hogaamiyo madaxwayne Barack Obama ay taageero
hiil iyo hool ah la garab taagantahay dowladda Somalia.
“Aniga iyo Madaxwayne Obama waan sii balaarin doonaa
taageerida Dowladda Somalia”. Ayay tiri Hillary Clinton iyadoo intaasi ku dartay “Waxaan ka wada hadalnay xoojinta
xiriirka labada dal ee ugubka ah, ujeedadeena waxay tahay inaan gacan ka geysano duruufo keena xasilooni, dalala deriska ay
joojiyaan fara gelinta ay ku hayaan Soomaaliya".
Hillary Clinton ayaa inta badan hadalkeeda u badisay in ay kaga
hadasho ururka Al-shabaab oo ay ku tilmaamtay in ay doonayaan in ay Somalia ay noqoto meel ay gabaad ka dhigtaan waxa ay ku
tilmaamtay Argagixisada Caalamiga ah. Clinton ayaa Al-shabaab ku tilmaamtay in ay yihiin koox Argagixiso oo Firkado shisheeye
fulinaya.
*Faragalin aan la akh bali Karin*
Hillary Clinton ayaa dalka Eritrea ku eedeeysay in ay faragalin aan loo
dulqaadin Karin ku heeysa dalka Somalia. Cilinton ayaa dowladda Eritrea ku tilmaamtay in ay hubeeynayso Kooxaha Islaamiyiinta
ee Somalia iyadoo ugu hanjabtay Eritrea haddii aysan joojin Faragalinta ay ku heyso Somalia in talaabo cad laga qaadi doono.
Intaasi
kadib Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda Eritrea inay joojiso dhibaateynta ay ku heyso
Soomaaliya hadii ay wax qabtana ay miiska hadalka timaado.
“Dowladda Eritrea wali waxay heesataa fursad ay khaladaadkii ay gashay ay isaga sixi karto”, ayuu
yiri Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed.
Kulanka labada dhinac oo ahaa mid inta badan diirada lagu saarayay Soomaaliya
iyo sidii dowladda Somalia ay dalka oga xoreen laheed kooxaha lagu tilmaamay in ay yihiin Islaam diidnaka.
Hillary
Clinton ayaa sidoo kale ka dhawaajisay inay laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan AMISOM, iyadoona cadeysay in 150-milyan
oo doolar ay ku bixiyaan AMISOM sidii ay u caawimi lahaayeen Dowladda Soomaaliya.
Kulankan ayaa ah kii u horeeyay ee
noociisa Madaxweyne Soomaaliyed uu la qaato Mas'uul sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka tan iyo markii ay dhacday Dowladdii
hore.
Anigoo ka mid ahaa wariyaashii Kullanka lagu casumay ayaan Madaxwayne Shariif oo markii uu Shirka Jaraa’id Dhamaaday
gacan qaaday Hillary Clinton aan wax ka waydiiyay sida dadka Somaliyeed ay u arki garaan in uu gacan qaado Haweeney aan Islaam
aheyn isagoo Madaxwayne Shariif iigu jawaab “Ibraahim Su’aashaadu waa raqiis”, iyadoo wax hadal ah
uusan intaas ku darin.
Ugu dambeyntiina, Kulankaas oo ahaa mid horay loo sii shaaciyay waxaa dhinaca Dowladda Soomaaliya
ku weyliyay Madaxweyne Shiikh Shariif Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisal
Wasaare ku xigeen Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli, Safiirka Soomaaliya
u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo xubno kale, halka Dowladda Mareykankana ay Hillary
Clinton ku wehlinayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaanno, Safiirro iyo Diblumaasiyiin
kale.
|
|
| |
 |
5.JPG" WIDTH="1" HEIGHT="3"> |
|
| |
Hilary Clinton oo Maanta u Socdaaleyso Afrika |
|
|
Washington
 |
Hillary Clinton | , 03 Agoosto 2009 (Mogadisho
Gazette) - Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa Isniinta maanta ah waxa u bilaabanaya socdaal ay ku marayso
todoba dal oo Afrika ku yaal, iyada oo lafilayo in ay Nairobi kula kulanto madaxwayne Shariif Sheekh Axmed.
Xoghaye Clinton ayaa lagu wadaa in ay dawladda itaalka daran ee Sheekh Shariif Sh. Axmed ugu yabaahdo kaalmo
dheeraad ah oo ay ku jirto mid millatari. Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan maamulka madaxwayne Obama ayaa
warbaahinta u sheegay in Washington ay damacsan tahay inay laba jibaarto sahay hub ah oo gaaraysa 40-tan, taasoo ay Muqdisho
gaarsiisay bishii June ee la soo dhaafay.
Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in Maryakanku tababar aan la shaacin u fidiyo ciidamada ammaanka ee Dawaladda
Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Maraykanku uunana si toos ah u tababari
doonin ciidankas, balse uu bixin doono kharashka iyo tas-hiilaadka kale ee aan looga maarmi karin tababarka. Maraykanka
ayaa iska ilaalinaya in humaagiisa laga dhex arko Soomaaliya, taas oo uga sii dari karta xasaradda taagan.
Xoghaye Clinton ayaa marka ay maalinta Khamiista ah la kulanto madaxwayne Shariif, in ay markale u xaqiijiso
taageerada Maraykanku u hao dowladda Soomaaliya. Sidoo kalena waxa la filayaa in ay soo cusboonaysiiso
cambaaraynta ka dhanka ah dalka Eritrea oo la rumaysan yahay inuu hubeeyo kooxaha ka soo horjeeda Dawladda Federaalka Ku-meel-gaark
ah ee Soomaaliya.
|